Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Koofur Galbeed oo ku dhawaaqay in ay iskaga baxeen tartanka Ciyaaraha ee Ka socday Muqdisho

Jimco jan-12 2024-{HMC} Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay iskaga baxeen tartanka ciyaaraha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan mar danbe kasoo qaybgeli doonin tartankaan, sababa la xariira in markii labaad gaari ay saarnaayeen ciyaartooyda maamulkaas weerar lala beegsaday.

Koofur Galbeed waa maamul goboleedkii ugu hooseeyay ee tartanka, waxaana u harsanaa hal kulan oo ay la ciyaari lahaayeen maamulka Hirshabelle.

Rajada kooxda kubada cagta Maamulka Koofur Galbeed ee in ay sii ciyaarto tartankaan ayaa awalba ahayd 10% marka loo fiiriyo dhibcaha ay heysatay iyo in ay waajaheyso Hirshabelle oo hal dhibic ka sarreysa.

 

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA