Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu ka yiri madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marti-qaadka Puntland?

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Garoowe waxaa ku sugan madax iyo siyaasiin kala duwan oo lagu mart-qaaday xafladda caleema saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sideeddii bishaan dib loo doortay.

Haddaba madaxda hore dalka u soo martay ee casuumaadda loo fidiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase-yeeshee wuu ka cudur daartay in uu munaasabdda uu ka soo qayb galo uu sheegay wasiirka warfaafinta mamaulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

“Farmaajo wuu ka cudur daartay oo arrin qoys ayuu jadwalku kaga soo aaday,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Inkastoo muddo ay ka soo wareegtay, haddana xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dad badan ogyihiin in isaga iyo Deni xiriirkoodu uu xumaa oo weliba madaxweynaha Puntland uu xilligaasi si cad u sheegai in xooggiisa isugu gaynayo in meesha uu ka saarayo Farmaajo maadama xilligaasi Farmaajo ahaa musharrax madaxweyne mar kale.

Wixii intaa ka dambeyay ma jirin hab shaacsan oo muujinayay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeyay labada mas’uul maadaama uu markii horeba xoogganaa.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA