Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey tahay Sababta ay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ay dib u dhigeen Ciyaarta Finalka ee Hirshabeelle iyo Galmudug?

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa mudo laba maalmood ah dib u dhigay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Finalka tartanka kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta Finalka ayaa qorshuhu ahaa in berito Sabti ah ay wada Ciyaaraan xulalka Galmudug iyo Hirshabeele, waxaana xiriirku uu shaaciyay in kulankaasi uu dhici doono maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 29-ka bishaan Janaayo.

Qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya laguma sheegin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo Ciyaarta Finalka ee berito dhici laheyd.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in sababo la xariira adkeynta amniga dib loogu dhigay kulanka, maadama lafilayo in kulanka ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin sar sare.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Hogaamiye cali Jeyte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.?

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Maxay ka wada hadleen Hogaamiye cali Jeyte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.? HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/29VpPdobJ90

{DAAWO MUUQAALKA} Dad caraysan oo la wareegay xarunta Maamulka Qod-qod fariinna u diray Maamulka Hirshabeelle

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Dad caraysan oo la wareegay xarunta Maamulka Qod-qod fariinna u diray Maamulka Hirshabeelle HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/WQT3Op6a62U

WARARKA