{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo shirweyne kaga qeyb galay magaalada Baqdaad

0
142

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta oo ka dhacay Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii Shirka Duqa Maagalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).Shiikh Madaale Duqa Muqdisho oo shir yuusuf Jimaacle Duqa Muqdisho madaale Madaale 2 Duqa Muqdisho 1


—DHAMAAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here