Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo digniin kama dambeys ah u dirtay dowlada Itoobiya

Sabti jan-27- 2024-{HMC} wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo aaladda Zoomka uga qayb-gay isku soo bax ay dhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, loogana soo horjeeday damaca gurracan ee Itoobiya ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan difaaca dalkeenna

 

Daa’uud Aweys ayaa ugu horreyntii digniin culus oo kama dambeys ah u diray dowladda Itoobiya, taas oo ah inay ka waan-towdo falalka gurracan ay waddo, kuwaas oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyocaalamka

 

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay jaaliyadda, maadaama ay garab istaageen dowladdooda iyo qarankooda, kadib xadgudubkii Itoobita

 

”Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay” ayuu yiri wasiirku

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay diidmada heshiiska sharci darrada ah ee ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed

 

“Waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya,islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu mar kale yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya

 

Mr. Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay markasta u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo

 

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi, laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

 

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee ay kowdii bishaan wada gaareen madaxweyne Biixi iyo Abiy Axmed.

 

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA