Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda xuutiyinta oo Gantaalo ku dhufteen Markab Shidaal siday iyo Ciidamada Mareykanka oo jawaab bixiyay

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo loo adeegsaday ku qaaday markab shidaal siday oo ka babanaayay calanka Jaziirada Marshaal,markabkaa oo marayey gacanka Cadmeed, sida uu sheegay milatariga Maraykanka

 

Taliska dhexe ee ciidamada dalka Mareykanka {CENTCOM} ayaa sheegay in markabka si deg deg ah ula soo xiriiray una sheegay dhibka ku dhacay, waxa ayna sheegeen taliska Mareykanka in isla markiiba jawaab deg deg ah bixiyeen

 

“Markabku wuxuu noo soo diray wicitaan murugo leh, wuxuuna soo sheegay khasaare,” USS Carney [DDG 64] iyo maraakiibta kale ee isbahaysiga ayaa ka jawaabay oo bixinaya gargaar. Ilaa hadda wax dhaawac ah lama soo sheegin.”ayey yiraahdeen taliska Mareykanka

 

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay kahor tageen oo bur buriyeen gantaal kale oo nuuca lagu weeraro maraakiibta, kaa oo kooxda Xuutiyiinta doonayeen in waxyeelo kale oo xooggan ku geestaan

 

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa kordhisay weerarada ay u geesanayaan maraakiibta ganacsi ee maraya gacanbka cadmeed, kooxdan ayaana sheegtay in weeraradooda ku taageerayaan walaalahooda Gaza ee gumaadka kala kulmaya Israa’iil.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA