Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Nin iska dhigay Gabar si uu imtixaanka ugu galo gabar uu jeclaa oo la qabtay!

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Nin u dhashay Hindiya ayaa la qabtay isaga oo imtixaan u galaya booska saaxiibtiis oo dhigata Jaamacadda ku taalla Punjab – isaga oo marsaday make up, guduudiso iyo maryaha dumarku qaataan.

Saraakiisha Jaamacadda Baba Farid University ayaa gacanta ku dhigay wiil da’yar oo sita dukumentiyo been ah kaas oo rabay inuu imtixaanka u galo gabar la rumeysan yahay inay tahay saaxiibtiis oo dhigata jaamacada. Wiilkan oo la yiraahdo Angrez Singh wuxuu 7 Janaayo soo galay hoolka imtixaanaadka isaga oo ku lebisan maryaha dumarka wuxuuna dhinac fariistay gabdhaha kale ee u fadhiyay imtixaanka.

In kasta oo si xeeladaysan uu usoo dhaafay saraakiisha iyo ilaalada jaamacadda, haddana markii la gaaray suulsaarka lagu caddeeyo joogitaanka iyo ka qeybgalka imtixaanka ayay wax walba bannaanka si tartiib tartiib ah usoo baxeen. Way is yeelan waayeen farihiisa iyo kuwa ku keydsan xogta jaamacadda.

“Wejigiisa iyo gabadha uu imtixaanka u gali rabay ayaa isku ekaan waayay – sidaas oo ay tahayna, waan soo saari kari waynay,” ayuu yiri sarkaal booliska katirsan.

Jaamacaddu markii hore way iska sii deysay ninkan, laakiin gadaal ayaa looga wacay waxaana hadda socda baaritaan lagu ogaanayo arrimaha la xiriira qorshahan iyo wixii ka horreeyey.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA