Wednesday, May 22, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo ka codsatay IGAD shir degdeg ah oo looga hadlayo xiisadda gobolka ka taagan

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay IGAD in la qabto shir madaxeed aan caadi ahayn, inkastoo ay Itoobiya horay u diiday inay ka qaybgasho shirkii ay dowladda Soomaaliya codsatay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa looga codsaday Jabuuti iyo Itoobiya qabashada shir madaxeed aan caadi ahayn si ay Itoobiya u sharaxdo arimaha gobolka ee taagan.

Warka kasoo baxay Itoobiya ayaa kusoo beegmay, iyadoo Itoobiya ay cadaadis iyo cambaarayn kala kulantay heshiiskii xadgudubka ku ahaa madax bannaanida Soomaaliya ee ay la hashay Somaliland.

Xidlhibaan Cabdishakuur oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirto xaalad go’doon ah, kaddib markii ay ku dhaqmi weyday xeerarka ay dajiyeen IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Waa in Itoobiya ay ka laabataa go’aankeeda oo ay ixtiraamtaa madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Marka sidaas ay sameeyso, waxay ka fogaan kartaa go’doomin dheeraad ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warkan ayaa kusoo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay ku wada sugan yihiin magaalada Roma ee dalka Italy, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka Italy iyo Afrika.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 21-05-2024

Talaado, 21 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/lRA32gstXQc

WARARKA