Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Turkey oo taageero u muujiyey Somalia ka dib weerarkii xerada Gen. Gordan

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Imaaraadka, Baxreyn iyo kuwa xoogga dalka.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri: “Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliya”.

Dowladda Türkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shucuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

Dowladda Türkiye ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/A6og6Drjyk8

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SFzyqStJ7Xo

WARARKA