Tuesday, May 14, 2024
spot_imgspot_img

Ivory Coast oo hanatay Koobka kubada cagta Qaramada Qaarada Afrika

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Ciyaaryahan Sebastien Haller ayaa gool yimid xilli dambe waxa uu ka caawiyay in xulkiisa Ivory Coast in uu ku guuleysto koobka qaramada Afrika kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen Nigeria final-kii habeenkii Axadii.

Daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta ayuu Haller badalay farqiga ciyaarta kadib markii uu Franck Kessie uu barbaro u keenay Nigeria daqiiqadii 62-aad ee kulanka.

Waa koobkii seddexaad ee Ivory Coast ka dib markii ay ku guuleysteen 1992 iyo 2015, labaduba waxay ku qaadeen rigoorayaal.

Kabtanka Nigeria William Troost-Ekong ayaa dhaliyay goolkii 38aad ee ciyaarta isagoo madax ku dhaliyay koorno.

Super Eagles ayaa laga badiyay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay mar kale halis galiyeen isku dayo ay ku doonayeen inay ku barbareeyaan ka dib goolkii Haller.

Ivory Coast oo lagu naaneesto maroodiyeyaash ayaa martigeliyay tartankan, waxaana ay u muuqdaan in ay qaab ciyaareed wanaagsan lasoo baxeen kulamadii dambe maadaama bandhigooda uu liitay bilowgii koobka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn

Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/TZT3beUkizw

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi”

Talaado-14-May-2024 {HMC} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KcP0mmHTfGE

WARARKA