Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan oo caawa Gudoomiyay shir looga hadlay Dagaalka AS.

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay shir looga hadlayay Dagaalka AS oo qabsoomay Caawa.

HOOS KA AQRISO WARKA AY FAA-FISAY VILLA SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SFzyqStJ7Xo

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/RS_gJXGsRfU

WARARKA