Tuesday, May 14, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda Arsenal oo 14 sano kadib u soo baxday wareegga siddeedda ee Champions League-ga

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Kooxda Arsenal ayaa xalay rigoorayaal ku garaacday kooxda FC Porto si ay u gaarto wareega siddeedda ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2010.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal u baahantahay in ay ciyaarta ku soo laabato ciyaarta kadib markii laga badiyay kulankii hore.

Celcelis labadii kulan ee kooxahan ayaa noqday 1-1, kadib markii Arsenal ay heshay gool barbar dhac ah.

Leandro Trossard ayaa qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal u dhaliyey gool 1-0 ay Arsenal ku badisay lugtii labaad garoonka Emirates kadib guuldaradii ka soo gaartay Portugal.

Markii rigooraha la aaday ayaa Arsenal ku badisay 4-2, iyada oo goolhayaha Arsenal David Raya uu badbaadiyay laba rigoore, isaga oo Arsenal geeyay wareegga siddeedda.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

  Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi”

Talaado-14-May-2024 {HMC} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KcP0mmHTfGE

WARARKA