Axad-17-March, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii AS ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhax
eeya Soomaaliya iyo Ereteriya.



