Axad-17-March, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, waxaana tegitaankiisu ka dambeysay marti-qaad uu ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dalkaasi ku joogaan laba maalmood oo ah booqasho shaqo.
Eritrea ayaa kumannaan askar Soomaali ah ku tababarta dalkaasi.



