Monday, May 13, 2024
spot_imgspot_img

Golaha ammaanka oo loo gudbiyey qaraar mamnuucaya in hub nukliyeerka

Talaado-19- March-2024 {HMC} Maraykanka iyo Japan ayaa Isniintii u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay hindisaha qaraar qabyo ah, kaas oo ku saabsan in dalalka caalamku ay u hoggaansamaan heshiiska mamnuucaya in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, fariintaas oo u muuqata inay ku socoto dalka Ruushka

 

Washington ayaa aaminsan in dalka Ruushku uu horumarinayo qorshe uu doonayo inuu hawada sare ku geeyo gantaallada xambaara hubka nukliyeerka, taas oo haddii ay qarxaan, khalkhal gelin karta dhammaan dayax-gacmeedada kala duwan ee fududeeya isgaadhsiinta kala duwan, oo ay ku jirto tan milaterigu

 

Ruushka oo qayb ka ahaa heshiis la gaadhay sannadkii 1967-kii kaas oo mamnuucayey in hawada sare la geeyo hubka nukliyeerka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare

 

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa ku gacansaydhay inay horumarinayaan, hub noocaas ah. Heshiiskaas hore wuxuu mamnuucayaa in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, hase ahaatee ma mamnuucayo in la horumariyo, hub la geyn karo hawada sare

 

Qaraarkan qabyada ah waxaa soo wada jeediyey, dalka keliya ee isticmaalay hubka nukliyeerka oo ah Maraykanka, iyo dalka keliya ee loo isticmaalay hubka nukliyeerka ah oo ah Japan, waxayna dalalka caalamka ugu baaqeen inay mamnuucaan in hub la geeyo hawada sare, sidoo kalena la mamnuuco in la samaysto hub hawada sare la geyn karo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13-05-2024}

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan...

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin-13-May-2024 {HMC} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/evUidHVjVy8

WARARKA