Dooda Wax Ka Badalka Dstuurka oo Abuurtay Xaalad Kale oo Xasaasi ah.

0
51

Arbaco-20- March-2024 {HMC} Xildhibaano 70 ka badan oo ioo ka kooban labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa qoraal ay wadajir usoo saareen ku qaadacay hannaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto Baarlamaanka dalka

Xubnahan oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa sheegay in aan la raacin xeerarkii iyo habraacii lagu ansixin lahaa dib u eegista dastuurka, sidoo kalana hoggaanka Baarlamaanka uu si bareer ah u jebiyay xeer hoosaadyada iyo habraacan loo marayay dib u eegista Dastuurka.

Qoraalkan ay wadajirka u soo saareen xubnahan ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadka soo socdo lagu wado in la ansixiyo Wax ka bedelka Dastuurka oo uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Xassan Shiikh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here