Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mohamed Abdirahman Mohamad, Wasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed (Ayub Sheikh iyo Agaasimaha guud shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa kulan la yeeshay
taliye ku xigeenka booliska Caydiid Axmed Nuur iyo saraakiil boolis.

Intii uu kulanku socday waxa looga hadlay arimo ay kamid yihiin, Xoojinta wadashaqaynta iyo isku xirnaanta Wasaaradda iyo Booliska.

Sidoo kale, Joojinta xaalufinta deegaanka sida dhuxusha, xaabada xad dhaafka ah iyo dabargoynta duurjoogta, In talaabo laga qaado dadka sida sharci darrada ah u xirmaysta dhulka ayaa looga doodey kulanka.

Ugu dambeyn waxaa laysla qaatay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka , wasaaradduna ku tababarto Booliska siyaasadaha iyo sharciyada ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta iyo In Wasaaraddu gacan ka gaysato howlgalada ilaalinta deegaanka ee Boolisku
qabanayo lana sameeyo laan ka mid ah oo u xil saaran ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-05-2024}

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman macalin...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_njrejv2iJ4

WARARKA