Wednesday, May 8, 2024
spot_imgspot_img

Bangiga Aduunka oo shaaciyay in Soomaaliya loo kordhiyey taageero maaliyadeed

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay koror ku yimid dakhliga gudaha, iyadoo weli
dalka uu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, kaddib markii dhawaan hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda ay ka cafiyeen deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororkani uu ka dambeeyay markii dib u habeyn lagu sameeyay siyaasadda maaliyadda, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda soo saarista dakhliga; iyo soo bandhigida dakhliga si casri ah.

Kristina Svensson, oo ah madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in kasta oo dhawaanahan horumar ay sameysay Soomaaliya, haddana heerka dakhliga gudaha uu aad u hooseeyo si loo gaarsiiyo natiijooyin muuqda oo muwaadiniinta ah.

Waxa ay sheegtay in qeyb muhiim ah oo ka mid ah kharashaadka dowladda Soomaaliya ay hadda ku baxdo deeqo, kuwaas oo la filayo in ay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacaan.
Waxay sheegtay in IDA ay bixisay taageerada miisaaniyadeed ee US$175 milyan, taasoo lala wadaagay Dawladaha xubinta ka ah Federaalka (FMS) sidii isku wareejin dawladeed, labadii sano ee la soo dhaafay.

“Iyadoo la aqoonsanayo baylahdeeda xad dhaafka ah iyo in la taageero dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, marka la eego awoodda hay’adaha daciifka ah iyo booska maaliyadeed ee xaddidan, IDA waxay kordhisay muddada ay maalgelinteeda ku bixinayso shuruudaha deeqaha illaa dhammaadka Juun 2025,” Svensson ayaa sidaas u sheegay

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_njrejv2iJ4

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA