Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

in kabadan 80 AS ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Goboladda Mudug, Shabeellada Hoose iyo Bakool

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo ka dhacay degaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoos yimaada degmada Xarardheere, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 40 Horjoogeyaal iyo dagaalamayaal Shaabaab ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay, Shabaabka lagu dilay halkaas inay ahaayeen kuwa isku aruursanayay oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere, oo sanad iyo bar ka hor laga xoreeyay gacanta Alshabaab.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 Shabaab ah, waxaana howlgalkaas iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka.

Hawlgalkan ayay dowladdu tilmaamtay in sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Shabaabkii soo weeraray Daaru-Nicma.

Hawlgalka Seddaxaad Lix ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay. Hawlgalkan ayaa lagu bartimaameedsaday fariisin Shabaabku ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

{DAAWO MUUQAALKA} Yuusuf Madaale iyo madax kale oo kormeeray koontaroolada laga soo galo Muqdisho

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Yuusuf Madaale iyo madax kale oo kormeeray koontaroolada laga soo galo Muqdisho HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/yOW0ajCkPgA

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka oo Diiday hub inuu siiyo Israa’iil.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Mareeykanka oo Diiday hub inuu siiyo Israa'iil. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/qmoUzGlUwJ0  

WARARKA