Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed aay ku kulmayaan dalka Jabuuti?

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Dowladda Jabuuti ayaa war cusub oo xasaasi ah kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kulan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy uu martigelinayo dalkiisa, balse ma shaacin goorta uu dhacayo.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in kulankan uu daba socdo kulan kale oo ay horay ugu yeesheen dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray kulanka ka dhaca Jabuuti diiradda lagu saari doono xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeyo labada dal, ayna qayb ka tahay dadaalkaas Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin kale, isla markaana aan loo baahneyn in xaaladda looga sii daro.

“Gobolka wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo ka dhaca gobolka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa wasiirku mar kale uu ku celiyay mowqifka dowladda Jabuuti ee ixtiraamka madax bannaanida Soomaaliya.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kulankaas, balse horay madaxweyne Xasan ayaa u sheegay inuu wadahadal la geli doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya illaa uu ka laabto heshiiska badda ee Somaliland.

{DAAWO MUUQAALKA} Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ywGbbH87wjY

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA https://youtu.be/eHRk3JWTr8o

WARARKA