Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

D. Caabudwaaq Labo Qof Ayaa Xukn Dil ah Lagu Fuliyay kidib Markii Lagu Helay Dil Aay Horay u Geesteen.

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Waxaa maanta xukun dil ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagula fuliyay labo nin oo lagu helay in dilal bareer ahaa u geesteen labo qof oo shacab ahaa , kuwaa oo maalmo kahor maxkamadda gobolka Galgaduud xukunno dil ah ku riday.

Fagaare kuyaalla bannaanka degmada Caabudwaaq ayaa lagu toogtay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo maalmo kahor dil bareer ah ugu geestay Caabudwaaq Wariye Samafale Cabdikariin Axmed Bulxan.

Waxaa sidoo kale xukun dil ah isna lagu fuliyay maanta Axmed Cabdi Cismaan oo isna lagu helay sidoo kale qirtay in dil bareer ah degmada Caabudwaaq ugu geestay marxuum Bashiir Hurre.

Fagaaraha toogashada ka dhaceysay waxaa ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka degmada Caabudwaaq, maxkamadda gobolka Galgaduud, ehelada ragga la tooganayay iyo ehelada marxuumiinta iyo dadweyne kale.

Shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaana soo dhaweeyay in xukun dil ah lagu fuliyo of kasta oo dil bareer ah geesta, waxa ayna xuseen in xukunnadan meesha ka saari doonaan dilalka sida micno darrada ah u dhici jiray.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA https://youtu.be/eHRk3JWTr8o

{DAAWO MUUQAALKA} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga HOOS KA DAAWO MUQAALKA https://youtu.be/pqohT5Sp0FE

WARARKA