Thursday, May 9, 2024
spot_imgspot_img

Shirkadda diyaaradaha Emirates Airlines oo beenisay war ka soo baxay Maamulka Somaliland

Jimco-29-March-2024 {HMC} Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku sigatay iney hawada Soomaaliya shil ku gasho

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay leeyihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Afhayeen u hadlay Emirates Airlines oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira sigashada isku dhaca labada diyaaradood.

Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha, iyagoo intaa ku daray in labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon, iyagoo warka ka soo baxay Somaliland ku sifeeyey dacaayad raqiis ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA https://youtu.be/eHRk3JWTr8o

{DAAWO MUUQAALKA} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga HOOS KA DAAWO MUQAALKA https://youtu.be/pqohT5Sp0FE

WARARKA