Wednesday, May 15, 2024
spot_imgspot_img

Syria ayaa ku eedeysay Israel duqeyn lagu dilay in ka badan 40 qof meel u dhow Xalab

Jimco-29-March-2024 {HMC} Ugu yaraan 42 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka waqooyiga galbeed Syria sida wararku sheegayaan.

Wasaaradda difaaca Syria ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay duqeeyeen xalay dhowr goobood oo ku yaal baadiyaha Xalab.

Koox fadhigeedu yahay UK oo dusha kala socota ayaa sheegtay in meel hubka ay ku keydsadaan Xisbullah la duqeeyay.

Militeriga Israel ayaa u sheegay BBC in aysan ka hadleyn wax ay warbaahin shisheeye sheegtay.

SOHR oo ah kooxda la socota waxa dhacay ayaa sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen ciidamo Syrian ah tiradii ugu badneyd ee hal maalin ku dhinta weerar ay soo qaaday Israel.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in shan ka mid ah dagaalyahanada Xisbullah ay ka mid ahaayeen dhimashada oo geereysa 38.

Wasaaradda difaaca Syria waxay sheegtay in rayid iyo milteri lagu dilay weerarka,

Israel ayaa sanadihii u dambeeyay ku qaaday weeraro badan Syria iyadoo bartilmaameed ka dhiganeysay Xisbullah ama goobo ay leedahay Iran.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14-05-2024}

Talaado-14-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

  Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA