Wednesday, May 15, 2024
spot_imgspot_img

Farmaajo iyo Shariif oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Seikh inuu dhegaha ka furaystay baaqyadoodii

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka.

Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, in ay ka dhigan tahay, in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ka fiirsadaan.

Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu in ay si cad u muujinayaan inuu doonayo inuu la wareego awoodaha labada aqal ee baarlamaanka, si aan loola xisaabtamin xukuumadda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14-05-2024}

Talaado-14-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

  Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA