Wednesday, May 15, 2024
spot_imgspot_img

Trump oo maxkamad ka codsaday in laga hakiyo eedaha loo haysto

Sabti 30-March-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa weydiistay maxkamadda racfaanka ee Georgia, inay baabi’iso galdacwadeedka xeer ilaaliyaha degmada Fulton County, kaas oo ku saabsan, eedo la xidhiidha, isku daygii uu Trump doonayey inuu ku hor istaago natiijada doorashada ee gobolka Georgia, sannadkii 2020, xilligaas oo doorashada looga adkaaday.

Qoraalkan oo ay gudbiyeen musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo sideed eedaysane oo kale oo iyana dacwado ku socdaan, ayaa weydiistay maxkamadda racfaanku, inay meesha ka saarto xukunkii la soo saaray bishan, kaas oo u ogolaanayey xeer ilaaliye Fani Willis inay sii wadato dacwadaha ay ku soo oogayso Trump iyo eedaysanayaasha kale.

Maxkamadda racfaanku waxay haysataa muddo 45 maalmood ah, si ay go’aan uga gaadho, inay kiiskan hore ugu socoto iyo inkale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14-05-2024}

Talaado-14-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

  Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA