Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo qaadacay Wax ka bedelka Dastuurka

Sabti 30-March-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay wax ka badalka maanta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ku sameeyeen Dastuurka.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay ku sheegeen aysan aqbaleynin Dastuurka ay tilmaameen in loo badalayo xaqiijinta damac gurracan iyo rabitaanka Madaxtooyada.

Sidoo kale Kheyre, Cumar C/rashiid iyo Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur ayaa caddeeyay inay aqoonsan yihiin Dastuurka KMG ee 15-ka cutub iyo 143 qodob.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA