Talaado 2, April 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad affur ah oo loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka.



