Xukun Dil ah oo lagu riday Taliyihii Saldhigga Degmada Hiliwaa.

0
104

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Hilwaa, Kabtan Police ka tirsan & Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.

Waana Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye & Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid {Dhiin-Dhiin} oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here