Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kuma Dalka Muslimiintii uu cinqaabi jirey hadda miciin biday?

Isniin April 8, 2024 {HMC} Boqollaal ka tirsan bulshada Muslimiinta Myanmar ee Rohingya askareynayo si ay ugu biiraan ciidamada dowladda oo khasaare ka soo gaarey dagaalka ay kula jiraan kooxo fallaago ah.

Muslimiinta Rohingya ayaa horay loogu diidey dhalashada dalkaas, waxaana 2017 loo geystey wax Qaramada Midoobey ku micneysay isir-sifeyn iyo tacaddiyo kale oo uu maleegay taliska militari ee dalkaas haysta.

Laakiin taliska Myanmar ayaa ka dib markii uu jab kala kulmay dagaalka uu kula jiro kooxo fallaago ah, wuxuu miciin biday dadkii dhowr sano ka hor loo quuri waayey xaquuqda muwaadinimo, islamarkaana dhulkoodi khasab looga barakiciyey.

Qaar ka mid ah bulshada Rohingya ayaa u sheegay welwelka ay ka qabaan in dowladdu u adeegsato xaabo lagu shido dagaal aysan shaqo ku lahayn.

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/RS_gJXGsRfU

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS https://youtu.be/dyWPG_EgdxY

WARARKA