Muuse Biixi oo cafis u fidiyay in ka badan 500- Maxaabiis ah

0
122

Talaado-9-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 548 {shan Boqol iyo Sideed iyo Afartan} maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here