Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar shaqo ku tagay Dalka Kenya.

0
113

Khamiis 11, April ,2024 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ku dhaweeyay dhiggiisa William Ruto

 

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wada-hadallo ka bilaabi doonaan isaga iyo madaxweynaha waddanka Kenya

 

Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu casuumaad hal maalin ka helay dhiggiisa dalkaasi, si ay uga xog wareystaan xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka socdaalkan uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsiga ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

 

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan dagaalka lagula jiro kooxda A.S, maadaama ay Kenya qayb ka tahay dagaalkaas

 

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashooyin kala duwan ugu bixiyay dalka Kenya, halkaas oo marar badan tegay, isaga oo wada-hadallo lasoo yeeshay madaxda dalkaasi

 

Safarkan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoonbiya oo gobolka laga dareemay, taas oo ka dhalatay heshiiska badda

 

Kenya waxa ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgallada deegaanada Jubbaland oo ay ka fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda A.S

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here