Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo xubno badan AS uga dilay Jubbada Hoose

0
52

Khamiis, April, 11, 2024 (HMC) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay weerar kooxda AS ka geysan rabtay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka ay dooneysay kooxdu iney ka fuliso Baarsanguuni, islamarkaana haatan ay ciidanku wadaan howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda AS.

“Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah kooxda AS ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here