Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

Dab xoogan oo ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee gobalka Nugaal.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli uu sii fidayo dab xoogan oo Axaddii ka ka kacay dooxada deegaanka Dalsan oo hoostaga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa loo badinayaa inuu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa, maadaama Soomaaliya uu haatan ka jiro kuleyl aad u daran.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu qabsaday dhul doog ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana isaga barakacay qoysaskii deganaa goobtaasi

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Dhinaca kale Puntland oo sameysay dadaallo dheeraad ah ayaa ku guuleysatay in la damiyo dabkaasi, waxaana la magacaabay guddi soo baara, sida uu dabka u kacay.

Kaymaha uu dabka qabsaday ayaa si weyn u gubtay, waxaana xaaladda uga sii daray markii ay sii qarxeen macdan ku jiray kamyamahaasi, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay musiibo, maadaama uu dabka iskiis u kacay, loona sababeynayo isbeddelka ku yimid guud ahaan cimilada Soomaaliya oo aad u kulul.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa mararka qaar lagu arkaa deegaanada Puntland, gaar ahaan goobaha kaymaha oo ay u dhow yihiin buuraha oo horay sidaan oo kale uu dab uga kacay.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/wrk4WV-aFv8

WARARKA