Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

Puntland: 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya waxay isku rogtay nidaam kaligiis talis ah

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cusmaan Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya in ay isku rogtay nidaam kaligiis talis ah oo awoodda dalka ay ku arurtay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, oo ka qeyb galayay dood xalay ka dhacay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayaa tilmaamay, sababta dastuurka wax looga beddelay in ay tahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada iyo xafiiska raysal wasaaraha.

“Dastuurkaan cusub wuxuu abuurayaa nidaam unitary ah (nidaam dowlad dhexe), oo awooddoo dhan ay madaxweynaha ku urursan tahay, xataa la yiraahdo raysal wasaaraha wuxuu lamid yahay sida wasiirka, oo waa la eryi karaa. Dalku wuxuu hadda luminayaa isku dheeli tirnaantii xukunka dalka lagu maamulayay,” ayuu yiri Lugatoor.

Lugatoor wuxuu sheegay, Puntland dadaalkii ay kusoo bixisay dhismaha dowladnimada Soomaaliya in loogu beddelay in awood qeybsigii dowladnimada meesha laga saaro, dalkana dib loogusoo celiyo khatartii uu u dumay 30 sano ka hor.

Madaxweyne Lugatoor waxa uu sheegay, in Puntland aysan ka go’in Soomaaliya mar walbana u taagan tahay dowlad dhiska dalka oo ku salaysan Midnimo ku dhisan federaal iyo in la ilaaliyo dastuurkii Soomaaliya heshiiska ku ahayd.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/wrk4WV-aFv8

WARARKA