Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Saraakiil katirsan booliiska Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho,

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Saraakiil sar sare oo katirsan booliiska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliye Xigeenka ciidanka Booliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed ayaa garoonka Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxa xiriirka Dibada ee ciidanka Booliiska Turkiga Mudane Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.

Masuuliyiintaan Ka socda Turkiga ayaa la sheegay in uu casuumay Taliye Sulub, waxaana u jeedka socdaalkooda uu salka ku hayaa xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo kordhinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ku taageerto ciidanka Boliiska.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarada iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya , waxa ayna Tukiga si gaar ah u tababaraan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA