Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibadda oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan xilka wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh , oo ah xildhibaan kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/wrk4WV-aFv8

WARARKA