Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

khasaara Sababay Heerkulka Kordhay oo ka Dhacay magaalada Godey

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Ayadoo kulayl aad u daran uu ka jiro deegaannada Soomaalida ee bariga Afrika ayaa wararka ka imaanaya magaalada Godey ee dawlad deegaanka Soomaalida waxay sheegayaan in uu khasaare nafeed gaystay heerkulkaas todobaadyadii u dambeeyey sare u sii kacayey.

Sida uu sheegayo Salaaxudiin Cabdullaahi Cumar oo ka tirsan madaxda iskaashato deegaankaas ka jirta oo ka shaqaysa wax soosaarka, waxaa uu Warbaahinta u shegay in xaaladda hadda deegaankooda ka jirta aysan weli hore u soo marin.

Iskaashatada uu madaxda ka yahay Salaaxudiin ayaa todobaadkan weyday boqolaal digaag oo ay xanaaneynayeen, ka dib kulayl daran oo aan hore u soo marin Godey oo dadku ay la yaabeen.

“Kulaylka waxaa noo dheer magaaladu markii hore biyo fiican ayey haysan jirtay, haddii wax laga qabanayana waa naloo sii sheegi jiray, taana waxay noo saamixi jirtay in aan ka sii gaashaamanno muddada biyuhu go’an yihiin oo aan biyo sii dhaansanno, haddase waxaa dhacday in mar kaliya ay biyihii go’aan innagoo aan ka diyaar garoobin” ayuu yiri Salaaxudiin.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA