Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal beeleed ka socday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ku fiday deegaanno Hor Leh

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Warrarka laga helayo xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallo beeleedyadii ka socday halkaas, ay ku fideen deegaanno hor leh oo horey u xasiloonaa.

 

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in miliishiyo beeleedyo hubeysan ay ku dagaalameen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaalka, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen sida uu sheegay Wasiirka Dibu-heshiisiinta Maamulka Hirshabeelle Cabdillaahi Maxamed Cumar (Cabdillaahi Cadde).

 

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay hurinayaan colaadda beellaha ee aaggaasi ka aloosan, mase jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa arintaasi.

 

Dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleedyadan ayaa horey dhawr xili oo kala duwan uga dhacay, deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Jalalaqsi iyo Mahaddaay ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA