spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA}Kulanka Golaha Wasiirada oo Maanta Lagu Asixiyay saddex Hishiis

{DAAWO SAWIRADA}Kulanka Golaha Wasiirada oo Maanta Lagu Asixiyay saddex Hishiis

0
60

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here