Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Taliyihii ciidamada milateriga ee Kenya oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Jimco -19-April-2024 {HMC}  NAIROBI — Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay Khamiistii.

Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof.

Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Ruto oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran.

“Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa” sidaas waxaa sheegay madaxweynaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA