Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Dawladda Turkiga oo ku dhawaaqday Waqtiga ay Soomaaliya ka bilaaweyso Shidaal qodista

JImco -19-April-2024 {HMC}  Dawladda Turkiga ayaa markii u horreysay muddeysay xilliga ay billaabayso qodiska shidaalka Soomaaliya , kaddib heshiis ay labada dal gaareen bilowgii bishii saddexaad ee sannadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga,Alparslan Bayraktar ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Turkiga uu ka billaabayo howlo shidaal baaris ah badda Soomaaliya, isagoo caddeeyay qorshaha qodista shidaalka badda inay billaabanayso sannadka 2025.

 

Heshiiska labada dal ayaa waxaa qayb ka ah baarista, ka faa’iidaysiga, horumarinta iyo soo saarista shidaalka Bariga iyo xeebaha Soomaaliya.

 

Wasiir Bayraktar ayaa soo bandhigay waqti cad, isagoo yiri; “Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inuu ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025.”

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan macalin muuse Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Waa siddee xaaladda Ra’iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Waa siddee xaaladda Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/5aIrAeKtC44  

WARARKA