{DAAWO SAWIRADA} RW Xamsa oo kulan la qaatay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

0
49

Axad-21-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .

“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

439337740 914746490691958 964285509782248172 n 439054387 914746410691966 4260643062022319546 n 439033014 914746200691987 603699728063974790 n 439342990 914746384025302 7867425640791869620 n 439342724 914746164025324 639780258671553752 n 438976481 914746314025309 6786102813260949151 n 439025475 914746354025305 8982855561945641587 n 439011305 914746510691956 4819867865680711632 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here