Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh tartanka oo Bilad Gudoonsiiyay orodyahankii ku guuleystay Oradka 5000 mitir

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirigalinaya Halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika ayaa ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA