Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

RW XFS oo Ka Qeeybgalay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA