Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Muhaajiriin ku dhintay doon ku qallibantay xeebaha Jabuuti

Arbaco 23 Apr 2024 {HMC} Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen.

IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta.

Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur.

Shilkaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen carruur ayaa ku dhintay masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib marki ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah.

IOM ayaa sheegtay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibanayaasha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA