Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Xariga Ka Jaray Xaruun Caafimad oo Muhiim Ah

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray xarunta Howlgalka Deg-dega ah ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.

Xaruntaan oo laga hirgeliyay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaadka ee Gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan Howlgalka Deg-dega ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka. Asigoona faray Agaasinka Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in xooga la saaro Arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka Bulshada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA