Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

QM oo roobab xooggan oo ku soo wajahan Soomaaliya.

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa shalay ka digtay in la filayo in roobab xooggan ay ka da’aan Soomaaliya xilli roobaadkan gu’ga.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shalay sheegay in roobab biyo badan dhigay ay ka da’een gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, kuwo kalena la filayo April ilaa June.

Waxa uu sheegay in ilaa 50 doonyood loo diyaariyey meelaha laga baqayo inay ka dhacaan fatahaadaha oo illaa toban goobood ah oo ku teedsan webiyada Shabelle iyo Jubba.

Waxa uu intaas ku daray in roobabka laxaadka leh iyo daadadku ay saamayn karaan ilaa 770 kun oo qof.

Dujarric ayaa sheegay in roobabka laga cabsi qabo inay sii adlkeeyaan xaaladda shuban biyoodka iyo daacuunka lagu arkay meelo ka midah Soomaaliya, waxaana ilaa haatan la diiwaangeliyey ugu yaraan 7,200 kiis, iyo 75 dhimasho ah sannadkan.

Qaramada Midiobay waxay sheegtay in dhaqaalihii ay codsatay sannadkan oo ahayd 1 bilyan iyo 600 kun oo dollar la helay ilaa boqolkiiba toban.

Haddaba wararkan ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay ka waraystay Cabdullahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ka faallooda arrimaha biyaha iyo degaanka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.05.2024}

Axad May, 19, 2024 (HMC)  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

WARARKA