Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Xabsi ku Yaalo Nageria oo Maxaabiis Farabada Ka Baxsatay Sababta Ogoow..

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Xabsi weyn oo kuyaalla duleedka magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nageria ayaa waxaa ka baxsaday maxaabiis tiro badan oo ku xirnaa, kaddib markii roob xooggan oo da’ay waxyeelo gaarsiiyay dhismaha xabsiga.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa ku warantay in xabsiga Suleja oo ku dhaw caasimadda Nigeria ay ka baxsadeen 118-maxbuus oo dambiyo kala duwan u xirnaa, kuwaa oo baxsaday markii roobka saameeyay dhismaha xabsiga ay ku jireen.

Ciidamada ilaalada xabsiyada dalka Nageria ayaa durba bilaabay howlgallo balaaran ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista carartay, waxa ayna ciidamada dib usoo xireen ilaa 10-maxbuus oo kamid ahaa kuwii xabsiga ka baxsaday.

Afhayeenka waaxda adeegga xabsiyada dalka Nageria Adama Duza oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xabsiyadda wadaan howlgalo ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista baxsatay.

Dowladda Nageria ayaan wali shaacin maxaabiista baxsatay waxa ay ahaayeen iyo dambiyada ay u xirnaayeen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xabsiga ku xirnaayeen xubno loo heesto in ay katirsanaayeen kooxda Boka Haram.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA