Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Islaan 60 jir ah oo Taajka Quruxda Haweenka u qaadday Argentina

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} –  “Waxaan ahay jiilkii koowaad ee sidan sameeya,” ayay tiri qareen iyo weriye Alejandra Marisa Rodríguez kadib markii loo suray taajka quruxda ee dalka Argentina iyadoo 60 jir ah.

Alejandra Marisa Rodrigueza ayaa taariikh dhigtay iyadoo da’dan ah, waxa ayna qaadday koobka tartankan oo ay hablaha yaryar uun ka qeybgeli jireen.

Marisa Rodriguez ayaa tiri, “waan ku faraxsanahay inaan matalo casriga cusub ee quruxda. Maanta waxaan sameyneynaa billow cusub, iyadoo haweenka aanan keliya loo eegeyn da’da.

Mar ay ka hadleysay dareenkeeda, ayay Marisa Rodriguez tiri, “waan ku faraxsanahay inaan ka qeybgalo Miss Universe Argentina 2024.”

Hadda kahor keliya haweenka ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 28 sano ayaa ka qeybgeli jiray tartankan.

Bishii September 2023, Ururka Miss Universe ayaa xaddidaadda da’da ka saaray shuruuddaha ka qeybgalka tartankan.

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/RS_gJXGsRfU

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS https://youtu.be/dyWPG_EgdxY

WARARKA