Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Maraykanka oo qalabkooda ka xirxiranaya dalka Chad

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} –  Maraykanka ayaa qorsheynaya in si kmg ah uu ciidamadiisa uga saaro dalka Chad sida khamiistii laga soo xigtay saraakiil maraykan ah, tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii Washington lagu qasbay in ay ogolaato in ciidamadeeda ka saarto wadanka dariska la ah Chad ee Niger.

Horaan tii bishan taliyaha ciidamada cirka ee Chad ayaa ku amray Maraykanka in uu jaajiyo hawlihiisa garoonka ciidamada cirka ee ku yaala duleedka caasimadda N’Djamena, sida laga soo xigtay warqad ay dawladda kmg ah dirtay oo ay wakaaladda warrarka ee Reuters aragtay.

Afhayeenka Pentagon ka Maraykanka Janaraal Patrick Ryder ayaa sheegay in qayb kamid ah ciidanka laga saari doono dalka Chad.

Waxa uu sheegay in ay tahay ‘’tallaabo kmg ah’’ kaas oo qayb ka ah dib u eegis socota oo lagu sameynayo wadashaqaynta ay la leeyihiin Chad, taas oo dib u bilaaban doonta kaddib doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 5 May.

Sarkaal ka tirsan Maraykanka oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in daraasiin ciidanka gaarka ah, oo hadda Chad u jooga qorsheyn iyo la talin ay hadda u guurayaan dalka Jarmalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/A6og6Drjyk8

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SFzyqStJ7Xo

WARARKA